.

Somali Udiida Ceb (Somalia, Don't Shame Yourself) Lyrics

somali u diida ceeb
naftiina u diida cay
dhulkeena dabeecadiisa
micnaha daadku dhex qaado
labada wabi ee dureera
dalaga ciida u wanaagsan
abuurka ku daadi weeyoo
kheyraadka ka doono weeyee
siduu geelu hawd u daaqoo
lo'duna u dinaahiyeyso
markad dan yarteena eegto
siday diiftu ugu taalo
labadu is dabooli waayo
dunidu way nagula yaabtey
dadyow ku dadaala nabad
somali u diida ceeb
naftiina u diida cay
dhulkeena dabeecadiisa
dabayshi iyo cimiladiisa
badweynta dhahane ku deyran
kaluunka daabalanaaya
dubaaxdu siday u taalo
siday macdantu u daniigto
siduu arigu u dareero
ugaadhaa is daawaneysa
markad is dilkeene eegto
dalkeena xasuuqidiisa
labadu is dabooli waayo
dunidu way nagula yaabtey
dadyow ku dadaala nabad
somali u diida ceeb
naftiina u diida cay
Report lyrics
The Journey (1998)
Lei Lei (I Feel Alone) Kufilaw (Take Care) Somali Udiida Ceb (Somalia, Don't Shame Yourself) Sodewou (Welcome) Hamar (The Big City) Qax (Refugee) Nin Hun (Bad Man) Fejigno (Beware)